U bood dhigaalka

Booliska Gobolka Bari oo Sheegay in Lasoo Qabtay Koox Dil Ka Geysatay Degmada Carmo

Sheeko:Amniga

Taliska Booliska gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntlan d ayaa sheegay in lagu guulaystay in lasoo qabto kooxo degmada Carmo ee gobolka Bari, kadib howlgallo ciidamadu 48-kii ee tagay ay ka wadeen degmada Carmo.

Taliyaha ciidanka Booliska qeybta gobolka Bari ee Puntland G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay bagaalada Boosaso ayaa ka warbixiyey howlaghalka ” Demada Carmo meel kamida taliye rugeedkii ciidanka runtaa xukumay allah u naxariistee nin shaqadiisa gudanaayo ayuu ahaa 12:00 ayaa la dilay xili dambe ayey aheyd, ciddii dishayna gacanta ayaa lagu hayaa waana la keenayaa waxaan leenahay dalka ayuu u adeegayey” ayuu yiri.

Hadalka taliyaha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo 48-kii saac ee la soo dhaafay ciidamada ammaanka gobolka Bari ay howlgallo ka wadeen degmada Carmo, taas oo lagu dilay taliyihii booliska xili uu gudanaayey shaqadiisa, waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaas oo loo geysto mas,uuliyiin iyo ciidamo ka tirsan Puntland.

Goobjoog News