U bood dhigaalka

Booliska Magaalada Cadaado Oo Howlgal Ku Soo Qabtay Maandooriyayaal

Sheeko:Amniga

Ciidamada booliska magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen maandooriyayaal ay sheegeen in dad kala duwan ay ku isticmaalayeen gudaha magaaladaasi.

Taliska booliska Cadaado ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen maandooriyayaashaan oo isugu jiray Khamri, Xashiish iyo tubaakada loo yaqaan Taabuda in isla maanta ay meel fagaara ah ku gubi doonaan sida uu sheegay taliyaha booliska magaaladaasi Cali Maxamed Xasan.

Howlgallo kala duwan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ciidamada booliska ka wadeen xaafadaha ay ka koobantahay degmada Cadaado, waxaana la sheegay in lagu raad joogo dad si joogta ah magaaladaasi u soo galiya waxyaabaha maanka dooriya.

Magaalooyinka qaar ee dalka ayaa waxaa si aad ah loo soo galiyaa waxyaabaha maanka dooriya taas oo aan u wanaagsanayn caafimaadka bulshada Soomaaliyeed iyada oo dowladdana aysan ku baraarugsanayn in dalka laga mamnuuco maandooriyayaashaasi.

Goobjoog News