U bood dhigaalka

Booliska Oo Gacanta Ku Soo dhigay Koox Burcad Ah

Sheeko:Amniga

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Maanta koox burcad ah oo ay sheegeen in xilliyada habeenkii ay xaafadaha ka geystaan falal la xiriira dhac.

Kooxdan dhallinyarada ah ayaa waxaa ay Booliska in ay wateen Bastoolado ay ku dhacaan dadka iyaga oo ka qaata telefoonnada iyo agabka kale oo ay wataan dadka.

Afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in eedeysanayaashaan la horgeyn doono sharciga si ay u maraan cadaaladda.

Kooxahan ayaa waxaa ay dhac ka geysan jireen xaafado ka mid ah degmada Waabari waxaana gacanta ku soo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa booliska.

Goobjoog News