U bood dhigaalka

Booliska Puntland oo Qaad Ku Gubay Garowe, Digniinna u Jeediyay Dadka Ka Ganacsada

Sheeko:Amniga

Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa habeenimadii xalay magaalada Garowe ku gubay Qaad si qarsoodi ah loo soo geliyey magaalada ka dib xanibaad horay uu maamulku u saaray kuna joojiyey keenista iyo kaganacsigiisa, waxaana tasliska booliska Puntland uu digniin u diray dadka ka ganacsada qaadka.

Qaadkan oo ahaa 5-jawaan ayaa ciidamadu ka qabteen magaalada kaas oo laga keenay dhanka dalka Itoobiya, ciidamada ayaana goob fagaaraha ah ku gubay Qaadka, iyaga oo sheegay in la fulinaayo amarkii ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.

Taliyaha Booliska  Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay  in ciidamada ay la dagaalamaan qaadka sida sharci darrada ah lagu soo geliyo Puntland oo horay looga mamnuucay sababo la xariiro xanuunka COVID-19.

Sidoo kale taliye Muxiyadiin ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabtaan haweenka ka ganacsado qaadka  lagana xareeyo kabarada, waxaana uu intaas ku daray in gawaarida keenta Qaadka deegaannada Puntlan taliska uu war ka soo saari doono lana ganaaxidoono sida uu hadalka u dhigay Taliyaha.

“ Ciidamada waxaan amarayaa in dagaal ay la galaan qofka soo qaada waa la yaqaanaa laga bilaabo barri in ay doonaan dadka keeno, dumarka kabarada fariisto in la soo qabto, kabarada in la soo xareeyo oo la jajabiyo dagaal in lagu qaado, gawaarida soo qaadana waan wada hadlaynaa go,aan ayaan ka soo saari doonnaa gaariga qiimahiisa qiima ku dhow in la ganaaxo cid kasta oo lug leh waa dambiile waana la qabanayaa”

Qaadka ciidamada Booliska Puntland ay ku gubeen magaalada Garowe ee caasimadda u ah maamulkaas aya waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan digreeto madaxweyne lagu mamnuucay in Qaad la soo geliyo Puntland laguna amray in ciidamadu ay la dagaalamaan qaadka sababo la xariira faafitaanka Coronavirus.

Goobjoog News