U bood dhigaalka

Boorame: Seddax Carruur Ah Oo Dabka Ku Geeriyootay!

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boorame ayaa sheegaya in seddax carruur ah ay geeriyoodeen halna dhaawac uu soo gaaray kadib markii dab uu ka kacay guri ay daganaayeen.

Carruurta geeriyootay ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen laba wiil uu mid ahaa 3 jir halka kan kale uu ahaa 5 sano jir iyo gabar yar oo 9 bil jirta.

Waxaa sidoo kale la sheegaya in wiil 8 jir uu dhaawac xoogan ka soo gaaray dabka oo ka kacay agagaarka  Madaarka Boorama ee degmada Sheekh Cismaan.

Guriga dabka uu ka kacay ayaa la sheegay in uu ka sameeysnaa Jiingad, waxaana dabkan oo saacado badan socday uu ku fiday qaar kamid ah xaafadihii ka agdhawaa guriga uu dabka ka bilaabmay.

Goobjoog News