U bood dhigaalka

Boorarka Safaaradda Mareykanka Oo Lagu Dhajiyey Waddooyinka Qudus

Sheeko:Dalka

Wararka ayaa sheegaya in saddex tabeello oo ah kuwa lagu dhajiyo waddooyinka la suray magaalada Qudus oo ku qoran sawirrada Safaaradda Mareykanka.

Boorarkan ku sawiran magaca safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu dhajiyey maanta Qudus taasi oo ah todobaad ka hor furitaanka Safaaradda Mareykanka ee la doonayo in laga furo Qudus usbuuca soo socda.

Boorarka la dhajiyey ayaa waxaa ku qoran luqadaha Carabiga, Englishka iyo Luqadda Cibrada oo ah midda ay ku hadasho Israel, waxaana lagu dhajiyey Koofurta Qudus oo ah halka la doonayo in laga furo Safaaradda Mareykanka.

14, may ayaa la doonayaa in Safaaradda mareykanka laga soo raro magaalada TELAVIV lagana furo Magaalada Qudus, arrintaan ayaa qeyb ka ah ballan qaad uu sameeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ahaa inuu Qudus u aqoonsan doono caasimadda Israel.

Goobjoog News