U bood dhigaalka

Boorso Smart Ah Oo La Soo Saaray

Shirkad la yiraahdo Volterman ayaa soo bandhigtay sample-ka Boorso magaca shirkadda wadata oo leh astaamo badan oo mihiim ah una fududeynaysa nolosha qofka wata.

Boorsadan yar oo ah nooca jeebka ayaa waxaa la socoda nidaamka GPS-ka, waxaana ku xiran kamiro awood u leh iney sawir ka qaaddo cid kasta oo is dayda iney furto, kadibna sawirradaa waxay u direysaa mobilka qofkii boorsada lahaa.

Boorsadan ayaa waxaa la socda memory RAM ah oo 512 MG, waxaana uu wataa batari nooca mobile-ka ah waxaana uu waliba la shaqeynayaa shabakadaha leh WiFi.

Marka qofkii boorsada iska lahaa uu illoobo oo gaari dushiisa uu kaga tago waxayna boorsado isla markii kala soo xiriiraysa weybsade-keeda u gaarka ah, waxayna wadataa baton uu qofku howlgelinkaro oo la yiraahdo Lost waa marka uu ka baqayo iney ka lunto, markaa batoonkaa la shaqo geliyo waxa uu sawirro u soo dirayaa qofkii iska lahaa oo cidkasta oo fur is tiraahadaba uu sawirkeeda uu u dirayaa mobilka oo qofkii boorsada lahaa oo dhanka internet-ka ka wada xiriiraya.

Sida lagu soo daabacay barta Indiegogo boorsadan ayaa loo helay lacagtii lagu maalgelin lahaa kadib markii dadbadani ay ka heleen waxaana la filayaa in suuqa lasoo geliyo bisha December ee soo aaddan.