U bood dhigaalka

Boosaaso: Ammar Laga Soo Saaray Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Bari, kan Boosaaso iyo wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Boosaaso waxay go’aan kaga gaareen isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga.

Shirkaan oo saacado qaatay ayaa lagu go’aamiyey arrimo ay kamid yihiin lacagta deegaannada Puntland laga qaadan karo, sarifka lacagaha qalaad iyo arrimo kale oo isla lacagta un ku saabsan.

Waxaa shirkaan laga soo saaray qodobada kala ah:

  • In maamulka Puntland qaadan doono lacagashada Shilin Soomaaliga gaar ahaan kuwa cusub, lagana tago kuwa go go’an iyo sidoo kale kuwa duugga ah.
  • Sarifka lacagta waxaa la go’aamiyey Halkii doolar inaan laga badin karin 28-kun oo shilin Soomaali ah.
  • Sariflayaasha Boosaaso waxaa loo sameynayaa sharci ay ku shaqeeyaan.

Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, guddoomiyaha gobolka Bari oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in canshuurta u qaadanayaan oo kaliya lacagta cusub, islamarkaana aanay qaadan doonin lacagihii hore ee Shilinka Soomaaliga ah gaar ahaan kuwooda duugga ah.

“Cid diidi karta lacagta shilin Soomaaliga ma jirto marka laga reebo lacagta aa waqtigeedu u dhamaaday ee aan xitaa la tirin karin, saacadaan laga bilaabo shilin Soomaaliga waa fasax, dadweynaha waxaan u sheegeynaa iney wax ku iibsadaan, dowladana ay Canshuur ku qaadan doonto” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Dhedo ayaa dhanka kale sheegay in wixii maanta ka bilowda aanay u aqoonsaneyn sarifle, wuxuuna sheegay  in sarifleyda dhammaantood looga baahan yahay iney soo sameytaan aqoonsiyo.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa suuqyada Boosaaso ka jiray jahwareer dhanka lacagta ah, waxaana wax lagu kala iibsanayey oo kaliya lacagta doolarka.

Goobjoog News