U bood dhigaalka

Boosaaso: Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo La Diley

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan bistoolado ay bartamaha magaaladaasi ku dileen askari ka tirsan sirdoonka Puntland.

Askarigan la diley ayaa lagu magacaabi jiray Shiine Maxamed, iyadoo raggii dilkaasi ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamada Puntland oo gaaray halka uu dilkan ka dhacay ayaa weli wada howlgallo ay ku baadigoobayaan ragga falkaasi ka dambeeyay.

Ammaanka Boosaaso ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo hagaagayey, iyadoo marar badan ay dilal sidan oo kale ah ka dhaceen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News