U bood dhigaalka

Boosaaso: Xubnaha Golaha Deegaanka Oo La Dooran Doono 28 August

Sheeko:Dalka

Mamulka Gobolka Bari ayaa sheegay in golaha deegaanka Boosaaso ee la dhisayo 28-ka bishan in aan lagu soo dari doonin xubnihii hore ee golahaasi.

Yuusuf Maxamed Wacays, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay in golahan la dhisayo ay wax badan ka bedli doonaan magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha oo ka hadlaya arrintaasi waxaa uu yiri “Maalinta la gaaro sided iyo labaatanka bishaan waxaa la dhisi doonaa golaha deegaanka markii la dhaho golaha deegaanka ayaa la dhisayaa waxaa dhici karta in qof walba uu si ugu hanqal taago inta halkaan joogto iyo inta maqli doontaba golaha hadda la dhisayo ma noqon doono kii hore “.

Waxaa lagu wadaa in Maamulka gobolka Bari uu soo dhiso maalmaha soo socda golaha deegaanka ee uu yeelanayo gobolka waxaa ayna tilmaameen in aysan soo noqon doonin xubnihii hore ee ka tirsanaa golaha deegaanka.

Goobjoog News