U bood dhigaalka

Boqol Haween Ah Oo Loo Tababarayo Xirfadda Harqaanka

Sheeko:War

Boqol haween ah oo da’yar u badan ayaa waxaa loo sameeyay tobabar ku aadan sidii ay u shaqeysan lahaayeen, waxaana loo dhameystiray qalabkii tobabarka oo ka kooban afar daaqadood oo baati ah, maqas iyo harqaankii ay toliinka ku baran lahaayeen.

Inta badan haweenkaan ayaa waxaa laga soo kala xulay kaamamka ku yaallo duleedka Mugadisho .

Aamino Xaaji Cilmi oo hogaan u ah hay’adda SSWC ayaa sharraxeysa qaabka ay dadkaan wax ku baran doonaan iyo mudada ay joogi doonaan intabada.

“Maanta muhiimadda ugu weyn ee halkaani iskugu nimid waxay tahay waxbarasho socon doonta muddo afar bilood ah,gabdhaha waa boqol waana mashruucii gabdhaha yaryaraa aadna ayaa ugu faraxsanahay”.

Sidaan oo kale boqolaal dumar ah ayaa hay’adda SSWC waxay u fidisay tobabar xirfaddooda kor loogu qaadayo waxayna miro dhanka arrintaasi noqotay in haweenkaas ay shaqeystaan oo ay anfacaan reerahooda.

Goobjoog News