U bood dhigaalka

Boqolaal Qoys Oo Ka Barakacay Dagaallo Ka Dhacay Gedo

Sheeko:Amniga
In ka badan Afar Boqol oo qoys ayaa ku barakacay dagaal Saddex maalin kahor ka dhacay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Doolow iyo Luuq ee Goblka Gedo, ka dib markii Ciidamo ka tirsan Jubbaland ay weerar Culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo Xoolo ay ku sheegeen Seko ka uruurinayey deegaanka Baaba ee hoos yimaada degmada Doolow.
Dagaalkaasi oo geystey  khasaare isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo Barakac ayaa saameyn ku yeeshay nolosha dadkii deganaa tuulooyin dhowr ah oo ay ku jirto Tuulada Baaba oo dhibka ugu darani uu ka dhacay sida uu Gbbjoog News u sheegay Ibraahin Ibraahin Macalin Darboweyne oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Luuq.
Dagaalkii isniinta ka dhacay Tuulooyinka Baaba, Bohol iyo Toosileey ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa uguna Barakaca badnaa ee ka dhaca Gobolka Gedo muddo ka badan Hal sano, waxaana adag in si deg deg ah Qoysaskaasi ay dib ugu laabtaan deegannaadii ay ka barakaceen , maadama ay weli Labada dhinac isku hor fadhiyaan nawaaxiga goobahii lagu dagaalamay.