U bood dhigaalka

Boqolaal Qoys Oo Ka Barakacay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Boqolaal qoys oo ku noolaa magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Waqooyi iyo Koonfur ayaa habeenkii xalay ahaa billaabay in magaalada faarujiyaan kadib dagaallo shalay kasoo cusboonaadey magaaladaasi.

Wararku waxay tilmaamayaa in inta badan magaalada ay tahay mid haawaneysa, kadib markii shacabka ay naftooda la baqeen, waxaana meelaha ugu badan ee laga barakacay tahay xaafadaha ku dhow halka lagu dagaallamayo.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lasoo sheegayaa iney kala wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, waana midda ugu daran ee shacabka cabsi gelisay.

Waxgaradka Gaalkacyo ayaa dhankooda wada dedaallo ay ku doonayaan iney ku qaboojiyaan xiisadda dagaal ee Labada dhinac, inkastoo aaney muuqan rajo ah in degdeg xiisadda jirta lagu damiyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News