U bood dhigaalka

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Yimid Muqdisho, Lana Kulmey Ra’isulwasaaraha

Sheeko:Dalka

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyey Raysal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid, Raysal Wasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Imaamka beesha Hiraab, Ugaasyo, Salaadiin, Cuqaal, Wasiiro, iyo Xildhibaano.

Boqor Burhaan ayaa ka soo kicitimay dalka South Africa oo uu ku joogay booqasho mudooyinkii danbe, wuxuuna wada xaajood la soo yeeshay Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan South Africa, Siyaasiyiin ka tirsan dowlada, Boqorka Suuluga oo hadala uu jeediyeey bishii hore ay sababatay in la dhibaateeyo boqolaal africaan ah oo ka xoogsada dalkaas.

“Waxaa safar dheer ku soo maray dalal badan oo caalamka ah, waxaana la soo kulmay Jaaliyadaha ugu waaweyn Soomaalida ee ku dhaqan North America, Yurub iyo Qaarada Africa, waxaana kala soo hadlay in qurba joogta looga fadhiyo iney ka qayb qaataan nabadaynta dadkooda iyo dib u dhiska dalkooda, waxaana aad ugu faraxsanahay in dadka Soomaaliyeed ee debadaha ku dhaqan ay ka go’antay iney ka qayb qaataan horumarka dalka” ayuu yiri Boqor Burhaan.

Boqorka ayaa booqashooyinka uu ku marayey dibadaha ku soo gabagabeeyey dalka South Africa oo ay ka jirto dhibaatoyin lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, waxaana uu kulamo la qaatay wasiiro ka tirsan dowlada madaxweyne Jokob Suma iyo qaar ka tirsan madax dhaqameedyada aadka loo qadariyo dalkaas.

“Dalka South Africa waxaan kala kulmay soo dhaweyn aad u balaaran oo ay ka qayb qaateen dowlada dalkaas iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana kulamo la qaatay Wasiirada Ganacsiga, waxaana kala hadlay sidii dadka Soomaaliyeed looga caawin lahaa iney ku ganacsadaan si sharci ah, looguna fududayn lahaa dukometiyada khuseeya, waxaan sidoo kale kulamo la qaatay Boqorka Suuluuga oo muhiimad gaar ah u leh sidii Soomaalida u heli lahayd amaan ay kaga ganacsato dalka South Africa, wuxuuna iga balan qaaday inuu u istaagayo sidii Soomaalida ugu noolaan lahayd dalkaan si xorr ah, waxaa kale oo aan ku heshiinay inaan samayno guddi labada dhinac ah si loo xaliyo waxyaalaha udub dhexaadka u ah dhibaatada soo gaarta dadka Soomaalida ah”

Boqorka ayaa mahadcelin balaaran u soo jeediyey madaxdii soo dhaweysay, wuxuuna sheegay inta uu joogo magaalada muqdisho in ay is arki doonaan madax dhaqaameedyada iyo madaxda ugu sareeysa dalka, wuxuuna kulan la qaatay intii ku sugnaa garoonka diyaaradaha Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

Goobjoog News