U bood dhigaalka

Boqor Buurmadow Oo Xabsiga Hargeysa Laga Sii Daayey

Sheeko:Dalka

Ciidamada Somaliland ayaa sii daayey Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ugu caansan deegaannada Somaliland.

Buurmadow ayaa xabsiga la dhigay kadib markii uu ka qeybgalay xaflad dhaqameed ka dhacday deegaannada Puntland, iyadoo Labo cisho uu xirnaa.

Waxaa jiray dedaal badan oo ay sameeyeen waxgaradka Somaliland iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka mid ah maamulka, waxaana suurtagashay in lasii daayo.

Waa markii Labaad oo xabsi la dhigo Boqor Buurmadow, iyadoo marar badan uu ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Goobjoog News