U bood dhigaalka

Boqor Salmaan: Iran Waxay Faro-gelin Ku Heysaa Arrimaha Gobolka

Sheeko:Dalka

Boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis oo maanta qudbad ka jeediyey shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay dowladda Iran oo uu sheegay in ay faro-gelin ay ku heyso arrimaha gobolka.

Boqorka ayaa Iran ku eedeeyay in falal argigixiso ay ka wado mandiqadda Bariga dhexe.

Sidoo kale xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Qeyd ayaa asna dhankiisa ka digay faro-gelinta ay Iran ku heyso Yeman iyo gobolka Bariga dhexe isaga oo tilmaamay in arrintan ay ka hor imaaneyso dhaqanka u yaallo diblomaasiyadda.

Boqor Salmaan  ayaa shir madaxeedka magaalada Dahran u bixiyey shirmadaxeedka Qudus,isaga oo ballan qaaday inuu ugu tabarucayo 150 Milyan oo doolar arrimaha awqaafta Diinta ee Qudus.

Boqor Salmaan ayaa ku celiyey mar kale in uu ka horyimid go’aankii Mareykanka oo ahaa in safaaradda Mareykanka ee Telaviv  loo raro magaalada Qudus bisha soo socota ee May.

Goobjoog News