U bood dhigaalka

Boqorka Sacuudiga Oo U Ogolaaday Haweenka Inay Wadi Karaan Gawaarida

Sheeko:Dalka

Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdul Aziz yaa habeennimadii xalay soo saaray wareegto boqor oo ogaalanaysa in dumarku gawaadhidooda si iskood ah u wadi karaan.

Warkan oo qoraalkiisa lagu soo daabacay wakaaladda wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa u qornaa sidan “Si wanaagsan haloo dhaqangeliyo xeerarka waddooyinka oo ay ku jiraan in ruqsadaha darawalnimada ragga iyo dumarka si isku mid ah loogu soo saarayo”.

Amarkan ayaa sheegaya in guddi heersare ah loo saaro oo ka baaraandaga arrinta, kuwaas oo ka tirsan wasaaradaha(arrmaha gudaha, maaliyadda, shaqadaha iyo horumarinta bulshada) si loo daraaseeyo arrimaha ku habboon ee lagama maarmaanka u ah fulinta sharciga.

Guddigan ayaa muddo 30 cisho ah kusoo jeedin doona talooyin iyadoo fulinta go’aankuna bilaaban doono 10.10.1439.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay go’aanka boqorka Sacuudiga,waxaana lagu sheegay war-saxaafadeed uu baahiyey aqalka cad waxaa uuna u qornaa sidaan.

“Go’aankaan waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka haweeneyda Sacuudi yahanka ah,waana fursadaha uu siinayo dalka”.

Sacuudiga ayaa ah dalka kaliya ee caalamka aan loo ogoleyn in dumarka ay wadaan gawaadhida.