U bood dhigaalka

Boris Johnson Oo Noqday Ra’isul Wasaaraha Cusub Ee Ingiriiska

Sheeko:Dalka

Boris Johnson  ayaa noqonaya ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska kadib markii loo doortay hoggaamiyaha xibsiga Conservative –ka, waxaa la sheegayaa in cod bixin dhacday uu uga adkaaday Jeremy Hunt

Johnson  ayaa xafiiska ra’isul wasaaraha la wareegi-doona galabta arbacada isaga oo badali-doona ra’isul wasaaraha is casishay ee Theresa May .

Sida uu Borotokoolku yahay, Johnson  waxaa uu marka hore tagi-doonaa qasriga boqortooyada ee Buckingham  si loo aqbalo kadib ayuu aadi-doonaa daarta ra’isul wasaaraha ee No 10.

Boris Johnson   waxaa uu Soomaaliya yimid isaga oo ah wasiirka arrimaha dibadda bishii March 2017-kii, isaga oo la kulmay madaxda Soomaaliya.

Goobjoog News