U bood dhigaalka

Bosaaso: Sanaadiiqdii Codbixinta Oo Aan Maanta Midna La Furin!

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo sabti ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari lagu doortay doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta maanta la doortay ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaano ku cusub saaxadda baarlamaanka dalka marka laga reebo laba kursi oo ay ku soo noqdeen mudanayaashii horay ugu fadhiyay.

16-ka kursi ee la doortay ayaa waxaa kaliya dumar ka ah 1 qof, halka inta kale ay ku soo baxeen rag, waxaana Puntland hadda wadar ahaan doorashadii lagu qabtay dumarka ay ka heleen 5 kursi.

Kuraasta maanta la doortay ayaa kala ah HOP#142, HOP#190, HOP#220, HOP#027, HOP#222, HOP#149, HOP#036, HOP#169, HOP#083, HOP#158, HOP#227, HOP#076, HOP#234, HOP#228, HOP#157 iyo HOP#273.

Dhamaan doorashada kuraastaan ayaa la isku tanaasulay, iyadoo xildhibaanada soo baxay aanu ku jiran xildhibaan sanduuqa cod loogu riday.

Waxaa hoolka doorashada laga soo qaaday dhamaan sanaadiiqda doorashada oo aan maanta mid kamid ah daaha laga qaadin.

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/akhriso-natiijada-doorashada-boosaaso/

Goobjoog News