U bood dhigaalka

Brakac Ka Bilawday Degmada Beladxaawo Ee Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in maanta magaaldaaasi uu ka bilawday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka  ayaa soo sheegaya in dadka qaar ee ku sugnaa xaafadaha degmada Beladxaawo ay isaga barakaceen guryahooda xilli ay ka cabsi qabaan dagaal mar kale dhexmara ciidanka dowaldda ay halkaasi geysay in kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Ganacsiga qaar ee magaalada ayaa xiran waxaana la soo warinayaa in ardayda wax ka barata Beladxaawo aysan saakay u dareerin goobaha waxbarashada maadaama cabsi ay halkaasi ka taagan tahay.

Xaaladda guud ee magaalada Beladxaawo ayaa ah mid aan caga badan ku taagnayn oo dadka magaaladaasi ku dhaqan ay cabsi xoog leh ka muujinayaan isku dhac dagaal oo dhexmari kara ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Shalay ayaa gudaha magaalada Beladxaawo waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa taabacsanaa wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan, iyada oo dagaalkaasi uu ku geeriyooday hal askari iyo dhaawaca dad kale.

Goobjoog News