U bood dhigaalka

Brig Michael Kabango Oo Noqonaya Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Uganda, Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Taliska Uganda ayaa u magacaabay Brig Michael Kabango inuu badalo taliyahooda ciidamada ee Soomaaliya Brig Paul Lokech, kaas oo jagadaasi hayey tan December sanadkii tagay.

Michael Kabango hadda waxaa uu ahaa taliyaha qeybta 5aad ee waqooyiga Uganda balse shaqadaasi ka hor waxaa uu ka shaqeeyey Soomaaliya, si fiicanna waa u yaqaan.

“Waa Asakri aad u shaqo fiican, adag isla markaana ay Afrikaannimada ku weyn tahay” sidaasi waxaa yiri afhayeenka ciidanka Uganda Brig Richard Karemire .

Ciidamada Uganda waxaa ay qeyb ka yihiin AMISOM, waxaa ayna Soomaaliya joogeen tan iyo 2007-dii.

Goobjoog News