U bood dhigaalka

Bulshada Soomaaliyeed Oo Aan Ku Baraarugsaneyn Tabcashada Beeraha

Sheeko:War

Beeraha waa il ka mid ah ilaha waxsoosaarka dalka ugu muhiimsan, taasi oo tiro badan oo dad ah ay ku tiirsanyihiin.

Sida caadiga ah dalagga Soomaaliya waa dhammaan dhirta iyo manaafiicaadka ugu jira bulshadeedna sida Miraha,Khudaarta kaasi oo ka baxa beeraha dalkeenna.

Wax soo saarka beeraha Soomaaliya waxaa ay gaar siisanyihiin boqolkiiba  soddon dhaqaalaha asaasiga ah ee waddanka,taasi oo soo aruurineyso isticmaalka waddanka dhexdiisa iyo dhoofinta dibadda.

Beeraha waxay ka mid yihiin wax soo saarka baaxadda leh oo uu leeyahy dalka iyaga oo ah habka abuurista iyo soo saarista dhir laga sameeyo daawo cunto iyo wixii la mida.

Gobollada wax soo saarka caanka ku ah waxay yihiin Hiiraan,Shabellada hoose, Shabellada Dhexe, Bakool, Bay, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Nuucyada dalagga ka soo go’a beeraha Soomaaliya waxaa ugu caansan Mooska, Cambaha, Liinta, Masagada, Ba’bayga, Khasabka iyo Qaraha, dhammaan wax soo saarkaan waa waxyaabaha uu caanka ku yahay dalkeenna.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku talinaya in bulshada ay u soo jeestaan sidii ay dhulkooda ay u tabcan lahaayeen sida uu qabo Shaafici oo ku takhasusay cilmiga beeraha.

“Soomaaliya waxaa jira waxyaabo laga beero iyo waxyaabo aan laga beerin, waxyaabaha ka baxa waxaa ka mid ah Moordiga,Cambaha digirta oo asal ahaan ah cuntada dhaqanka,Soomaaliya waxaa ka bixi kara wax walba oo aduunka ka baxa marka laga reebo dhowr Shey,taasna waxay u baahantahay in bulshada loo soo jeediyo in ay wax beertaan”.

Waxaa jira shirkado yaryar oo iyagu xilligaan isku howlay inay dalka ka sameeyaan warshado yaryar kuwaas oo soo saara dalagga beeraha dalka,kuwaas oo iyaguna u baahan in dhiiro galin loo sameeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa sidii ay wax uga qaban laheyd waxyaabaha dibadda laga keeno,kuwaas oo laga heli karo gudaha dalka.