U bood dhigaalka

Burbur Ku Yimid Buundada Degmada Afgooye Iyo Shacabka Oo Ka Cabanaya

Sheeko:Dalka

Isticmaalka Buundada yar ee dulmarta Wabiga Shabeelle ee Degmada Afgooye, waxaa ka taagan bur bur sameyn ku yeeshay dadka inta badan marinka ay u tahay buuundadaasi.

Dadka Isticmaala Buundadaasi qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxa ay u shegeen Goobjoog News, in ay adagtahay in dadka qaar ay isticmalaan, sida caruurta iyo dadka da’da ah.

Dad u badan caruur iyo kuwa da’ah ayaa ku waxyeeloobay, ama dhawacyo kasoo gaaray bur burka Buundadaasi oo dayactir ay ugu dambeysay Laba sano ka hor.

Siid Cali Cabdi Cismaan oo ka mid ah Nabadoonada degmada Afgooye ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabaan Buundadaasi, kuna baaqay in degdeg wax looga qabto.

“Dhibaato xoog leh ayaan ku qabnaa Buundadaan yar, dadka markii ay marayaan rafaad ayeey ku marayaan, Baabuur iskaba dhaaf, xoolahana maba maraan, Afar qof oo Haween ay ku jiraan, dad da’ahna ku jiraan ayaa ku dhaawacan tahay, dadka waxba ma haystaan, waa beeraley” ayuu yiri Nabadoonka.

Ibraahin Yuusuf waxa uu kamid yahay Waxgaradka degmada Afgooye, waxa uu u sheegey Idaacadda Goobjoog in marwaliba uu soo noqnoqdo bur burka ku yimaada Buundada dulmarta Wabiga Shabeelle ee degmada Afgooye ay sabab u tahay aqoon xumo iyo in aan laga taxadarin hanaanka loo sameyay.

“Hadii aan mar walba laga war heyn karin Buundada waxaa haboon in loo dhiso sidii Orjinaalka ahayd, sababtoo ah ma wanaagsan in maalin walba Qandaraas lagu soo qaaro, hadana wax aan jirin shacabkii loo sameyn” ayuu yiri Ibraahim

Dhinaca kale Maamulka degmada afgooye gaar ahaan gudoomiyaha degmada Cabdiqani Yuusuf Axmed oo booqday Buundada yar ee degmada cabasho kaga timid bulshada kadib ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii wax ay uga qaban lahayeen iyagoo la kashanayya Hay’adaha ku shaqada leh.

“Buundada waan u jeednaa cabshada ay shacabka ka qabaan, annagane dadaalkeena ma yara, midda kale waxaa muhiim ah in shacabka ay kaalintooda ka qaataan dib u habeynta Buundada, annagane waxaan la kaashan doonaan hay’adaha arrimahaasi ku shaqada leh” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Afgooye.

Labadii Sano mar ayaa la dayactiraa Buundada yar ee dulmarta Wabiga Shabelle, degmada afgooye, sidaa oo ay tahayna waxaa meesha ka marneyn cabshooyinka bulshada ku nool degmada ay ka mujinayaan Buundadaasi oo ku aadan in sameynteeda ay badan tahay.

WD/ Maxamed Cabdi Xasan
Goobjoog News