U bood dhigaalka

Burbur Ku Yimid Qeyb Ka Mid Ah Wadada Isku Xirta Sayidka Iyo Howlwadaag Ee Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Shalay oo Khamiis ahayd waxaa roob saacado badan socday ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Roobkan ayaa biyo dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale jirta burbur ay soo gaarsiiyeen waddooyinka qaar.

Wadada Isku xirta Isgoysyada Sayidka iyo Howlwadaad ee magaalada Muqdisho, ahna waddo dhawaan si habeysan loo dhisay ayaa qeyb ka mid ah waxaa burburiyey biyahii roobkaa kasoo hooray.

Burburka wadada ayaa sababateeda lagu sheegay kadib markii meel gees ah ay biyuhu si hoose uga soo qoteen, kadibna ay soo jabsadeen meel dhexe oo laamiga ah.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay wariyaheena Ibraahim Xaaji Yuusuf oo saakay tagay halkaasi in lama filaan ay ku noqotay in si sahlan ay ku burburto wadadii cusbeyd ee dhawaan la dhisay.

Saakay waxaa durbo la arkayey shirkaddii dhistay laamigaasi oo dib u habeyn ku wadda halka laamiga uu ka burburay, sidoo kalena xalineysa cilladii uu markii hore laamiga u burburay.

Wadadan isku xirta Sayidka iyo Howlwadaag ayaa marin muhiim ah u noqotay shacabka Soomaaliyeed, maadaama waddooyinka kale ee Muqdisho, islamarkaana muhiimka ahaa ay burbursan yihiin.

7 5 4 3 2 1

Goobjoog News