U bood dhigaalka

Burbur Soo Gaaray Waddooyinka Muqdisho Qaarkood

Sheeko:Dalka

Waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa xilliyada roobka da’a fariista biyo aad u badan, kuwaasi oo saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Biyaha fariista Laamiyadan ayaa waxaa ka dhashay cudurro, iyadoo aanay jirin is xilqaan muuqda oo ku aadan in Booyado looga saaro laamiyada biyahan fariistay.

Sidoo kale, waxaa uu burbur soo gaaray waddooyin muhiim u ahaa dadweynaha magaalada Muqdisho, iyadoo meelaha qaar ay ka qodmeen bohollo.

Dadka ayaa arrimahan oo dhan u aaneynaya in markii waddooyinka Muqdisho la dhisayey aan loo  sameyn biyo mareenno iyo sidoo kale meello ay biyaha isugu tagaan, kadibna laga qaado.

Muqdisho waa caasimadda dalka, waxayna weli u muuqataa mid aan helin adeegyadii bulshada ee loo baahnaa, in kastoo  dib usoo kabasho ay jirto.

Goobjoog News