U bood dhigaalka

Burcad Badeed Soomaali Ah Oo La Degay Shaqaalihii Saarnaa Markabka Laga Leeyahay Iiran

Sheeko:Dalka

Burcad Badeed Soomaali ah oo qafaal ku haystay markab laga leeyahay dalka Iiraan, islamarkaana ay la socdeen 21, shaqaale oo dalkaasi u dhashay ayaa lagu soo waramayaa in ay la degeen shaqaalahaasi, islamarkaana ay markabka banaanka usoo bixiyeen.

Qof ku sugan deegaanka Ceelhuur ee gobalka Galgaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, in tani ay ka dambeysay ka dib markii kooxdaan uu gacantooda ka baxsaday markab kale oo laga lahaa Iiraan, islamarkaana ay la tageen Afar burcadda ka mid ahayd oo markabka dul saarneyd.

Dhulka Baadiyaha ah ayeey la aadeen dhammaan shaqaalihii ay kala degeen Markabka, ka dib markii ay ka baqeen in ay ku dhacdo sidii saaxiibadood kale qabsatay.

“Markabka ayeey xalay soo caariyeen, shaqaalihiina waxay la aadeen dhanka baadiyaha, maalmahaan dambe waxaa ka dhex jiray muran ah in shaqaalaha lala dego iyo in kale” ayuu inoo sheegay qof ku sugan Ceelhuur.

Dhawaan ayaa gacan ka hadal waxa uu dhexmaray shaqaale u dhashay dalka Iiraan oo saarenaa markab kalluumeysi iyo koox burcad badeed ah oo markabkaasi qafaal ku haysatay, waxaana ugu dambeyn gacan ka hadalkii ku adkaaday shaqaalaha Markabka saarnaa, kuwaa oo horay usii kaxaystay Afar qof oo Burcad badeed ah.

Goobjoog News