U bood dhigaalka

Burcad Badeedda Soomaalida Oo Sii Daayey 26 La Heystayaal Ah

Sheeko:Dalka

Xafiiska Qramada midoobay  ee la dagaalanka maan-dooriyaha  iyo  denbiyada ayaa waxa uu sheegay in la siidaayey 26 qof ku waas oo la socday markab lagu magaacaabo Nahaam AF3,  dadkaan oo ay heesteen burcad badeed soomaali  mudo ku  dhow  5sano.

Warka ka soo baxay   xafiisaka  ayaa  waxaa lagu sheegay 26 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha markabka in lafilaayo in maanto oo Axad ah ay gaaraan magaalada neairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xafiiska Qaraada  midoobay ayaa sheegtay iney ka caawinaaso dowladaha deriska sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha burad badeedka  loona horgeyn lahaa cadaaladda iyadoo laraacayo xeerka sharciyada caalamiga .

Dadkaan ayaa waxaa la siidaayey wadahadl ka dib,waxaa xusud mudan  in burcad badeedka  soomaalida ay af duubteen markabkaan oo ay saarnaayeey shaqaalo dhan 26 qof sanadkii 2012  iyagoo ka afduubaty xeebaha jaseerada shiishalis .

Shaqaalahaa ayaa waxay u kala dhasheen wadamo dhowr ah ku waas oo ay ka mid yhiin: Cambodia, China, Indonesia, the Philippines, Taiwan iyo Vietnam.