U bood dhigaalka

Burcad Dhacday Ganacsato Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay K/Afrika

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka dalka Koonfur Afrika ayaa ku guuleystay iney dilaan burcad Koonfur Afrikaan ah oo dhac u geystay ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan dalkaasi.

Mid kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika,  kana gaabsaday magaciisa ayaa Goobjoog News u sheegay in Burcadda uu raadraacay wiil Soomaaliyeed islamarkaana u sheegay ciidanka amniga, sidaasina lagu toogtay dhammaantood.

7- ruux ayeey ahaayeen Burcadda, waxayna dukaammo Soomaaliyeed si xoog ah uga qaateen lacago iyo sidoo kale agab kale.

“Buracddan waxay dhaceen Dukaamo Soomaali leedahay, wiil Soomaaliyeed ayaa gaari ka daba qaatey, wuxuu la hadlay ciidankii Booliiska oo u sheegay in uu daba socdo burcaddii dhacday Dukaamadooda, waxaa laga qaatey tilmaan meelaha ay marayaan, ciidan dhar cad ah ayaa loo istaajiyey wadada, marka wiilkii Soomaaliyeed uu arkay ciidanka dhar cadka ah ayuu gaarigiisa ku dhuftay gaarigii burcadda saarneyd, markii ay lasoo degeen qoryihiina waxaa burcaddii toogtay ciidanka” ayuu yiri ganacsadahan Soomaaliyeed.

Buracddan la dilay ayaa la sheegay in muddo badan ay dhac, dil iyo dhaawacma u geysan jireen ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ay kamid yihiin burcad is bahaystay oo Soomaalida dhib badan ku hayey.

Goobjoog News