U bood dhigaalka

Burco: Dad Hor Leh Oo Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa sii kordhay tirada dadka ee uu soo ritey cudurka shuban biyoodka, magaalada Burco, iyadoo lasoo sheegayo in hadda uu cudurkaan soo ritey dad hor leh oo markii hore caafimaad qabay.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagle-toosiye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda uu cudurkaan soo ritey dad gaaraya 3,600 (Saddex Kun iyo Lix Boqol) oo ruux.

Waxaa magaalada Burco ka soconaya dedaal xooggan oo lagu doonayo in lagu daweeyo dadkaan, sidoo kalena looga hortagi lahaa in dad kale ooh or leh uu ku dhaco.

Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo u waramay Goobjoog isaga oo ku sugan Burco ayaa sheegay in waxyaabaha hadda loo sababeynayo cudurkaan yahay xagga Nadaafadda oo aad u liidato.

Magaalada oo dhan ayuu sheegay inuu saameeyey cudurkaan, islamarkaana bulshada inta fiyow ay hadal hayso sida uu magaalada Burco u saameeyay cudurka shuban biyoodka.

Waxaa fasax ah guud ahaan xarumaha waxbarashada ee Burco, waxaana sidoo kale la mamnuucay in dad badan ay meel isugu yimaadaan.

Goobjoog News