U bood dhigaalka

Burco: Dibad-baxyo Ka Dhan Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Iyo Dagaalka Tukaraq

Sheeko:Dalka

Magaalada Burco waxaa hadda ka socda mudaaharaadyo looga soo horjeedo wasiirka arrimaha gudaha  Somaliland Maxamed Kaahin iyo dagaalka ka socda Sool .

Sida uu kusoo warramayo weriyaha Goobjoog News ee Burco, dadka dibad-baxaya ayaa Kaahin ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay colaadda ka taagan gobolka Sool.

Ciidamada Booliiska ayaa la sheegayaa in ay adeegsanayaan rasaas nool si ay dadka u kala kaxeeyaan, dibad-baxana aanu u fidin.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyada ka socda Burco.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in meel badan oo Somaliland ah aan maanta laga xusin May 18, taa badalkeedana ay ka dhaceen mudaaharaadyo.

Goobjoog News