U bood dhigaalka

Buri’ Hamza oo ku booriyay Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaha inay xoojiyaan howlaha qaranka ay u hayaan .

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”69″]

 

Mogadishu,November 21,2014 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa ku booriyay agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Safiirada Soomaaliya inay dardar geliyaan howlaha qaranka ay u hayaan oo aanu saameyn khilaafka ka dhexjira dowladda Federaalka Soomaaliya .

Buri’ Mohamed Hamza oo kulan degdeg ah isugu yeeray Kusimaha Xoghayaha Joogtada , agaasimayaasha waaxyaha iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda ayaa sheegay inay muhiim tahay horumarinta shaqada , xoojinta iskaashiga iyo la xisaabtanka Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud ee Soomaaliya ay ku leedahay dibadda .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu yiri “ waxaad tihiin shaqaale joogta ah oo u xilsaaran hagidda howlaha qaranka ee dibadda , waxaa la idinka doonayaa inaad fududeysaan adeegyada iyo iskaashiga idinkala dhaxeeya Wasaaradaha kala duwan ee dowladda , Xafiisyada Ururada , hey’adaha iyo Safaaradaha shisheeye ee ka furan dalka Soomaaliya”.

Kulankan oo aragtiyo kala duwan la isku dhaafsaday ayaa ku soo idlaaday jawi guul ah.

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations