U bood dhigaalka

Burundi Oo Ku Hanjabtey In Ciidankeeda Kala Baxayso Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay in ciidankeeda ay degdeg ugala bixi doonto Soomaaliya, kadib markii ay dowladdaasi sheegtay in ciidamadan aysan helin wax mushaar ah muddo bilo ah.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa Jimcihii ku hanjabay in ciidamo gaaraya 5,500 askari oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ay Soomaaliya kala soo bixi doonaan, maadaama Midowga Yurub aanu bixin mushaarka ciidankaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Nkurunziza waxa uu tilmaamay in khilaafka ka dhaxeeya dalkiisa iyo Midowga Yurub uu saameeyey ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, sidaasi darteedna waxa uu ku baaqey in ay haboon tahay in Labada arrin la kala qaado.

“Waxaan dalbaneynaa in ciidankeena ku sugan Soomaaliya la siiyo mushaarkooda, haddii aaney helin waxaan ku qasbannahay inaan ciidamadeena lasoo laabanno, Midowga Yurub waxaa ku waajib ah bixinta mushaarka ciidankaan waana in la kala saaraa khilaafka jira iyo xuquuqda ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Nkurunziza.

Ugu Dambeyn madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ka jooga Soomaaliya ay weeraro aan joogsi lahayn kala kulmaan Al-shabaab, ayna jiraan khasaare mar walbo ciidankooda soo gaara.

Goobjoog News