U bood dhigaalka

Buubaa “Soomaaliya Meel Ay Ku Kala Go’do Xilligaan Lama Joogo” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BuubaaSiyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in xilligaan aan la joogin meel ay ku kala go’do Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirkii dhawaan Jabuuti ay ku yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ugu horeyn waxa uu tilmaamay in heshiiskii Jabuuti ka dhacay 21-kii bishaan uu yahay mid loo baahnaa, islamarkaana qodobada kasoo baxay ay horseed u noqon karaan in dib loo helo Soomaalida oo mid ah.

Buubaa ayaa meesha ka saaray in xilligaan ay suurta gasho Somaliland in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, waxaana uu tilmaamay in kulamada soo aadan laga yaabo in lagu xaliyo waxyaabaha la kala tabanaayo.

“Anigu uma arko in wadanka Laba ama Seddax u kala qeybsami karo, ma ahan Somaliland oo kaliya cidda u hanqal taageysa in wax gooni ah ay iska yeeshaan, arintaasi waa arin khatar dhulka Soomaaliyeed, Mandiqadda iyo caalamkaba ku ah, aniga waxaan u arkaa in la’isku caqli celin doono, midnimada ayaa danta guud ku jirtaa, wixii xuquuq ah loo sinnaado, laakiinse Soomaaliya meel ay ku kala go’do xilligaan lama joogo” ayuu yiri Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay doorka beesha caalamka ee ku aadan wada hadalada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayuu sheegay in ay meel wanaagsan ka ciyaarayaan, islamarkaana ay doonayaan in wax walba lagu xaliyo miiska wada hadalka.

Bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2015 ayaa la filayaa in dalka Turkiga kulan kale ay ku yeesheen gudiga kala matalaya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaaso oo qeyb ka ah wada hadalka Labada dhinac ee mudooyinkaan socday.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News