U bood dhigaalka

Buugaag Sheekooyin Ah Oo Hareeyay Carwada Buugaagta Ee Muqdisho 2016-ka

Sheeko:Dalka

Waxaa Muqdisho sanadkii 2aad si wanaagsan uga soconaya carwada buugaagta ee“The Mogadishu Book Fair”, arrinta la yaabka leh waa 98% buugaagta carwada lagu iibinayo ama lagu soo bandhigay  ee qoraayaasha la soo shir tageen waa buugaag khiyaali ah oo inta badan aan shaqo ku laheyn cilmi iyo taarikh midna.

Inta badan qoraayaasha carwada jooga waa  dhalinyaro u badan kuwii sanadkii hore ka soo qeb-galayaasha ahaa,  buugaagta ay sanadkan la yimaadeen waa buug hal habeen lagu qoray, sheekooyin khiyaali ah oo aan u fahmay in ay ka tahay uun “Mar uun qoraa I dheh, ama dad aan ka hor hadlo”!!  taasi oo meel ka dhac ku ah hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed.

Carwada sanadkan waxaa xoogga la saaray “Star Power” oo ah in la casuumo dad horay qoraallo dadka uga barteen si ay magac ugu soo jiidaan carwada.

Haddii  horudhaca qoraalkan uu ku tusinayo in carwada ay sanadkan fashilantay sidaa ma aha, waayo waxaa jira sanadkan arrimo xiiso leh oo carwada ku cusub, qoraayaal markii ugu horreysay yimid iyo buugaag haba yaraadaane aad u qiimo badan oo aad ka heli doonto.

Andrew Harding waa qoraa Caddaan ah oo horay uga soo shaqeeyay BBC-da isla markaana wax ka qoray arrimaha Soomaaliya “The Mayor of Mogadishu”, waa buug aad ka heli doonto sanadkan, ninkan iyo buggiisa waa arrimaha xiisaha leh ee carwada.

Maxamed Xaaji Ingiriis waa qoraaga buugga “The Suicidal State in Somalia”, buuggan waa mid cilmi iyo aragtiyo badan ku jiraan, waxaa uu qoraagan xoogga saarayaa taariikhda Soomaaliya 1969-1990-kii, Ingiriis iyo Buuggiisa waa hadalheynta carwada buugaagta ee sanadkan.

Cabdi Ladhif Ega: waa qoraaga isna qoray novel-ka  ‘Guban’, ninkan oo wax ka dhiga Columbia University, waa shakhsi aad ka heli doonto in aad la sheekeysato, waa uu ka mid yahay waxyaabaha xiiso gelinaya carwada sanadkan.

Cabdirisaq Xaaji Catoosh: oo aad ugu xeeldheer arrimaha dhallinyarada iyo xiriirka baraha bulshada, Boodhari Warsame oo bare arrimaha taariikhda ah iyo Axmed Nuur Sheekh Cali Xasan oo ah qoraaga Dowlanimo, waad kula sheekeysan kartaa raggan gudaha carwada.

Waxaa kaloo jooga qoraayaal sanadkii hore halkaas buugaag ku soo bandhigay sida wiilka da’da yar Abukar Cabdulahi, Muna Maxamed Diirshe, Sharo Kooshin, Axmed Faarax Cali Idaajaa, Cabdiqadir Maax, Sheekh Maxamed Sheekh Xasan iyo qoraayaal kale.

Waxaa kaloo aad la kulmi kartaa dad cusub sida Idil Cawil Cilmi, Maxamud Maxamed Dhukul, Cabdi Ladhif Cige, Maxamed Xasan Cirro iyo qorayaal kale.

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye (Aragti)

Email: [email protected]