U bood dhigaalka

Buugga “Haybso Dhaqankaaga” Ee Cabdi Xaashi Cabdullahi

Sheeko:Dalka

Buug uu qoray guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo la magac baxay ‘Haybso Dhaqankaaga’ ayaa sabtidii  lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda buuggan lagu daahfurayay ayaa waxaa kasoo qeybgalay, aqoonyahanno, abwaanno, xildhibaannada labada gole iyo mari sharaf kale oo lagu casuumay.

Buuggan oo ka kooban illaa 142 bog ayaa ka hadlaya dhaqanka, luqadda iyo Hiddaha Soomaaliyeed ee ma guuraanka ah iyo sida ay u habboon tahay inaanu ilaashanno.

Maxamed Cumar Dalxa oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa buugga ammaan ballaaran u soo jeediyay, Cabdi Xaashina ku tilmaamay inuu saaxiib dhow la yahay xildhibaannada golaha Shacabka oo muddo dheer uu ka tirsanaa:

“Daahfurka Buuggan qiimaha leh ee uu soo diyaariyay guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi oo aan u haynno haddaan nahay golayaasha dowaladda qadarin ballaaran, siiba golaha Shacabka oo wakhti badan uu nala soo qaatay.”

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dhankiisa waxa aad u soo jiitay magaca buugga ‘haybso dhaqankaaga, waxaanuu tilmaamay in haybin la’aanteed aan waxba la kororsan karin:

“Haybso dhaqankaaga, reer koonfureedku waxay yiraahdaan ‘arkaayoo ma sheege ogow haybiyaan ahay’, yanii waxbaad taqaan walina waxbaad haybineysaa, waxbaad rabtaa inaad kororsato, haybin la’aanna waxba lama kororsan karo.”

Prof Maxmed Cabdi Gaandi oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dhaqamadii xumaa ee colaaduhu ay abuureen lagu bedelo in shacabka wax loo qoro oo wax loo kordhiyo:

“Waxaan jeclahay dad farabadan oo meesha waxaa fadhiya karti u leh iney wax qoraan, iney shacbiga wax u soo kordhiyaan, in wadadaasi ay furanto oo ay bedesho waddooyin foolxun oo uu dagaalku abuuro iney bedesho oo anagu dhaqankeenna aan u noqonno waa qodobka koowaad.”

Cabdi Xaashi C/llaahi, guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah qoraaga buugga ayaa ka hadlay sababta ku kalliftay inuu buugga qoro, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Sababtii igu kalliftay inaan buuggan yar inaan qoro, saddex arrimood ayaa ii muuqatay, midi waxa weeyaan dhaqanka iyo afku waxa uu ka jiraa baadiyaha xoolo dhaqatada ah, beeraleyda iyo kalluumaysiga, waxaa ii muuqatay dalkeennu inuu magaalo u soo socdo oo baadiyihii beer ha noqoto ama bad ha noqotee ama xoolo dhaqato ha noqdee in in laga soo qulqulaayo, oo magaalo la imanaayo.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray in uu ka cabsi qabo 50sano ee soo aaddan haddii simada maanta lagu jiro ay wax u socdaan in luqaddii iyo dhaqankii Soomaaliyeed uu gabaabsi noqdo:

“Qodobka labaad ee igu kallifay waxa weeyaan labo Af oo qalaad ayaa si xoogleh dadkeennii u qaatay, waxaan arkaynaa Af-Carabi iyo Af-Ingiriis ayaa iskuulada laga dhigaa, Af-Soomaaligii lama dhigo, weliba waxaan ka xumahay, hay’adaha dowladdu in Af-Ingiriis lagaga shaqeeyo oo lagu qoraayo, kolkaa waxa weeyaan labaa Af iyo dhaqamada ay wataan, waxay meesha ka saarayaan aakhirka haddii 50sano oo dambe iney noqonayso in Af-Soomaaligii inuu gabaabsi galayaayo.”

Si kastaba, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Buuggiisan “Haybso Dhaqankaaga” uu yahay kiisii ugu horreeyay ee uu qoro, iyadoo la filayo in buuggani uu wadada u xaaro dhiirigelinna uu u noqdo madax farabadan oo haya xogo muhiim ah oo dalkani leeyahay, dhaxal ma guuraan ahana u noqon kara Qaranka.

Goobjoog News