U bood dhigaalka

Buuhoodle Oo Laga bilaabay Olole nadaafadeed

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro is kood isku xilqaamay  oo is kugu jira ardeyda dhigata Iskuullada iyo Jaamacadaha ayaa waxaa ay olole nadaafadeed ka bilaabeen xafaadaha magaalada Buuhoodle.

Dhallinyaradan ayaa waxaa ay bilaabeen ololahaan maanta waxaa uuna socon doonaa muddo maalmo ah sida ay sheegeen .

Ujeedka ololahaan ayaa dhallinyaradu waxaa ay ku sheegeen in ay tahay in magaalada looga nadiifiyo qashinka maadaama uu soo dhowyahay xilliga gu’roobaadka si aysan u dhalanin cudurro.

Cabdicaziiz Ibraahim oo guddoomiye u ah ururkan ayaa Goobjoog News u sheegay in dhallinyarada ay qaaraan iska aruuriyeen ka dibna ay bilaabeen howlaha nadaafadda waxaa uuna yiri.

“Iyada oo xilli roobaadkii lagu jiro waxaa dillaaco xannuuno badan oo ay ka midyihiin Kaneecada iyo shuban biyoodka, waxaa ayna ka dhashaan cudurradaas nadaafad darrida, qarashka ku baxaya howshaan annaga dhexdeenna ayaa iska aruurinay”.

Magaalada Buuhoodle ayaan ka jirin dowlad hoose taasi oo ka shaqeysa nadaafadda deegaanka arrintan ayaa keentay in dhallinyaradan ay u istaagaan nadaafadda deegaanka.

Goobjoog News