U bood dhigaalka

Buuhoodle Oo Shilin Soomaaligii Suuqa Ka Baxay

Sheeko:Dalka, War

Waxaa gabi ahaan suuqa magaalada Buuhoodle ka baxay lacagtii shilin Soomaaliga aheyd, ka dib markii qaar la diiday qaar kalana gobollo kale loo safriyey.

Buuhoodle waxaa hadda wax lagu kala gataa lacagta Itoobiya ee Birta iyo lacagta doolarka Mareykanka gaar ahaan midda telefoonka laga tuuro ee adeegga Zaad Serves.

Arrnitan ayaa waxa ay saameyn xun ku yeelatay dhaqaalaha deegaanka, dadka ay arrintan saameysay waxaa ka mida ah sariflayaasha kuwaas oo isku badali jiray lacagaha qalaad.

Maxamuud Cali Yuusuf waa sarifle ku nool magaalada Buuhoodle waxa uu Goobjoog News uga waramay sida ay u saameysay, waxa uuna yiri“Lacagta Soomaaliga ah ee aan isticmaali jirnay waxa ay aheyd lacag qeybsanta wax badan oo danahaaga ah ayey kuu fulineysay, lacagtaas hadda waa ay ka baxday magaalada isticmaalkeedii waxaa badalay lacagtii Itoobiyaanka, lacagtii Itoobiyaanka waxa ay noqotay caqabad dadka heysata sababtoo ah lacagta Itoobiyaanka ee timaada waa boqol riyaad oo annaga na soo gaara waana lacag aadan wax adeeg ah aadan ku sameysan Karin”.

Maxamed Aadan Maxamed oo isna Sarifle ah waxa uu Goobjoog News uga waramay dhibaatada lacageed ee haatan ka taagan magaalada Buuhoodle waxa uuna yiri.

“Lacagtii Itoobiyaanka waxa ay nagu noqotay caqabad, qofkii xitaa haddii uu ku qaato sarifkeeda 33 kabo kama caseysan karo koob shaah ah kama cabi karo, xalka dhibaatadaan looga bixi karo waxaa waaye in ay dadka fahmaan in la soo celiyo lacagtii shilinka Soomaaliga aheyd”.

Ganacsatada Buuhoodle ma helaan wax lacago ah oo baaq-celin ay ku sameeyaan marka uu qof wax ka gato kaasi oo wata doolar ama lacagta birta ee Itoobiya.

Goobjoog News