U bood dhigaalka

Buulobarde: Isbitaal Hooyada iyo Dhallaanka oo Laga Hirgelinayo

Sheeko:Caafimaadka
 Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan , Cali Maxamed Carraale ayaa Dhagax dhigay Isbitaal looga tala galay hooyada iyo dhallaanka oo dhowaan laga hirgelin doono degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan.
Mashruuca lagu dhisayo Isbitaalkan ayaa waxaa fulinaya hay’adda Maama Seynab Foundation, iyadoo xagga dhaqaalaha ay ka caawin doonto Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qadar.
“Isbitaallada laga hirgelinayo dalka Soomaaliya ayaa wax weyn ka tari doona sare u qaadidda caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Caraale. Dhismaha
Isbtaalka Hooyada iyo Dhallaanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dalka ay aad ugu yar yihiin isbitallada nuucaani ah, taas oo sababta in Hooyo iyo ubad badan oo Soomaaliyeed sanad weliba laga diiwaan geliyo in ay dhintaan daryeel xumo caafimaad.
Goobjoog News