U bood dhigaalka

Buundada Baardheere oo La Dhisayo

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku sameeneysa Buundada degmada Baardheere gobalka Gedo  ee dowlad gobaleedka Jubbalaand, taas oo aan wax dayactir ah aan helin muddo dheer.

Dhismaha buundada ayaa la sheegay in ay ku baxeyso lacag gaareysa 317.000 dollar, haddii la dhisana waxaa ay ka qeyb qaadan doontaa  isku socodka bulshada ku dhaqan gobalaka Gedo.

Xildhibaanno labada gole iyo wasiirro ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa horay dowladda ugu gudbiyay in dhisma lagu sameeyo buundada Baardheere, oo shegeen in wax weyn ka tareyso isku socodka bulshada iyo ganacsiga gobalka Gedo.

Dowladda federaalka ah oo ka jawaabeysa baaqii ay horay u soo jeediyeen xildhibaannada iyo wasiirrada ayaa maanta ku dhawaaqday in dowladdu ay bixin doondo wixii qarash ah oo ku baxaya buundada degmada Baardhere ee gobalka Gedo.

Goobjoog News