U bood dhigaalka

Buundada Yar Ee Degmada Afgooye Oo La Dhisay

Sheeko:Dalka

Shacabka degmada Afgooye oo iskaashanaya ayaa waxaa u suurta gashay in muddo kooban lagu dhiso Buundada yar ee degmada Afgooye taasi oo burbur xoogani soo gaaray.

Waxaa la qabtay munaasabad kooban oo lagu furayey Buundadan oo dhismaheedu aad usoo dhaweeyeen shacabka degmada Afgooye.
Furitaanka Buundada yar ee Dulmarta Wabiga Shabeelle oo Mudo Go’neyd waxaa kasoo qeyb galay maamulka degmada, Culuma’udiin, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Afgooye, waxana Xafladaasi lagu soo bandhigay dhibaatooyinkii ka dhashay buundadaasi Mudadii ay jabneyd iyo waxa hadda iska badalay.

Mudo Bil iyo bar ayey socotay howlaha lagu dayactirayo Buundadasi oo muhiim u ah isku socodka xaafadaha degmada Afgooye oo Wabiga uu kala qeybiyo, iyadoo muddadii ay jabneyd ardey badan ay soo wajahday wax barasho la’aan, balse degdeg ku billaabay waxbarashadoodii markii qeyb ka mid ah buundada yar la dayactiray.

Maxmed Cali Xasan oo kamid ah dadka degmada Afgooye oo ku dheeraday ka hadalka dhibaatoyinkii bundadaasi ay ku qabeen ayaa sheegay in hada wax badan ay iska badaleen isticmaalaka bundadaasi oo Maalmo kahor dayactirkeeda uu idlaaday, waxa uu marka hore ka hadlayaa sida dadka deegaanka ay ugu qeyb qaateen dhismaheeda.

“Maanta waad u jeedaan buundadii yareed waan sameysannay, waxaan aragnay hadii aynu nahay reer Afgooye iyo kuweena qurbaha jooga in aan si isku duubni ah wax u qabsan karno, hadana aan billowno howlaheena kale ee na sugaya sida waddooyinka burburay, sameysanno Ceelal iyo Iskuullo”

Guddoomiyaha Beraleyda Degmada Afgooye Xasan Barqadle Wardoon oo ka hor hadlay dadkii isugu yimid Munasabaddii lagu furayay bundadaasi ayaa kaga mahad celiyay guddigii dhismaha waday iyo bulshada degmada isku xilsaaray dhismaha buundadaasi, isagoo ku dhiiri galiyay in dadka ay si Wadajir ah ay wax u qabsadaan.

“Waxaa muuqata tallaab wanaagsan oo la qaaday, waxayna taasi tuseysaa cid walbo in shacabka degmada Afgooye isku duuban yihiin, hadda kadib waxaa wax walbo oo degmadaasi looga baahdo inooga shaqeyn doono guddigan”

Maxamed Yuusuf Maxamed oo kamid ah Guddiga dayactirka buundada yar ee dul marta Wabiga shabeelle Degmada afgooye ayaa shegay in si fudud ay ugu suura gashay in ay ku uruuriyaan lacagaha lagu dhisay bundadaasi oo gaareysa 44-kun oo Dollar, oo ay iska soo ururiyeen bulahsda degaanka qeybaheeda kala duwan iyo qurba joogta, waxaana uu tilmaamay in dadki ay wax ku qabsan karaan si wadajir ah.

“Tan waxay tusaale u tahay hadii aynu isku xirnaano, tashanno oo midnimo aan muujinno inaan wax qabsan karno, gacmo Wadajir bay wax ku gooyaan, si fudu ayaan kusoo uruurinay lacagaha, waxaana ku talinayaa in wax walbo sidaan oo kale u qabsanno”

Maamulka Degmada afgooye oo goob joog ka ahaa furitaanka bundada yar ee dayactirkeeda uu idlaaday ayaa kahor qiray bulshadii kasoo qeyb gashay munasabaddii furitaanka in gacan aysan ka geysan maamulkooda iyo kan gobalka, sida uu sheegayo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulashada degmada Afgooye Cllaahi Xasan Cabdi Toogane.

“Annaga aad baan uga xunnahay in aan wax gacan ah ka geysan weyno dhismaha buundada yar ee degmada Afgooye, waxaan qirayaa in arrintaasi aanu ku fashilannay cidii ka nixi lahayd iyo ciddii ku farxi lahayd, hadaba madaxweynaha xilka ha iga qaado” ayuu yiri guddomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada maamulka degmada Afgooye.

Muuqaalka buundada dayactirkeeda uu soo gaba gaboobay Maalmo kahor ayaa ka wanaagsan siidii hore, hadda waxaa si caadi ah u billaabay in ay isticmaalaan baaburta yar yar oo markii hore ay ku adkeyd in ay isticmaalaan.

111 buundo 222 buundo

Goobjoog News