U bood dhigaalka

B/weyne: Dhallinyarada Oo Shaqo La’aan Ka Cabanaya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada waxbaratay ee ku nool Magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraaan ayaa ka cabanaya shaqo la’aan ku haysata Magaladaasi kadib markii ay qaarkood in muddo ah ku guda jiren Waxbarashada.

Dhalinyaradaan oo la hadlay Goobjoog ayaa waxa ay danta ku kaliftay inay magaladda ku fadhi diririraan taa baadalkeeda halkii ay shaqeen lahaayeen.

Waxay sheegeen in xaaladda guud ee dalka ka jirta ay saameysay, intooda badanna aanay shaqo haysan.

Maamulka Magaladda B/weyne iyo kan gobalka Hiiraan ayay ka dalbadeen inay kala shaqeeyaan sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen.

Sanad walbo waxaa jaamacadaha dalka ka baxa Kumanaan dhallinyaro ah, balse sidey wax u barteen uma wada helaan shaqada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News