U bood dhigaalka

B/weyne: Siyaasiyiin iyo Waxgarad Mar Kale Dhaliil U Jeediyay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka ka jira maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa isa soo taraya siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka hadlaya qaabka ay u wax u doonayaan.

Magaalada Baladweyne oo had iyo jeer ay ka dhacaan shirar ka dhan ah shirka maamul u sameynta ee magaalada Jowhar ayaa siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ku kulmay waxay sheegeen in aysan oggalayn waxa ka socda Jowhar.

Odayaal dhaqameedka ayaa sheegay in beelaha gobolka Hiiraan ay horay u codsadeen in gobolkaasi looga dhigo seddex gobol ama labo gobol markaas kadibna ay ku dhaqaaqaan qeybsiga xubnaha baarlamaanka.

Dowladda Federaalka ayay ku dhaliileen inay qaab qaldan u wajahday maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe islamarkaana Gobolka Hiiraan loo kala qeybiyo marka hore.

Siyaasiyiintii iyo waxgaradkii ka hadlay kulankani ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in xildhibaannada ka beel ahaan ku matalaya baarlamaanka lagu soo xulo meel ka baxsan gobolka Hiiraan.

Shirka maamul u sameynta gobollada deriska ah ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka socda Jowhar ayay ku tilmaameen inuu yahay cadaalad darro.

Dadka danaynaya inay ka soo dhex muuqdaan baarlamaanka federaalka ayay ugu baaqeen inay tagaan Hiiraan, islamarkaana Hiiraan ay xaq u leedahay in shirka maamul u sameynta lagu qabto.

Khilaafka ka jira maamul u sameynta labadaan gobol oo muddo soo jiitamayay ayaa saameyn ku yeeshay doorashada baarlamaanka federaalka xubnaha ay labadaasi gobol yeelanayaan oo guddiga doorashadu ay sheegeen in Muqdisho lagu dooranayo.

Hadalkaasna waxaa ka hor yimid qaar kamid ah beelaha gobolka Hiiraan oo sheegay in shirka Jowhar macnaha laga lahaa uu ahaa in xildhibaannada federaalka ay qolo gaar ah qoroto dad aan degaanka laga doonaynin.

Goobjoog News