U bood dhigaalka

B/xaawo: Nabad Sugidda Oo Gacanta Ku Dhigay Rag La Sheegay Iney Ka Mid Yihiin Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad sugidda Jubbaland ee degmada B/xaawo ayaa gacanta ku dhigay Labo nin oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, waxayna soo bandhigeen Labadaasi nin iyo bistoolooyin la sheegay iney wateen.

Cali Abshir Xasan, taliyaha ciidamada Nabsugidda Jubbaland ee degmada B/xaawo ayaa u sheegay warbaahinta, in Labadan nin ay soo qabteen xilli ay Bam ku tuureen hoyga degmadaasi uu ka deggan yahay mid kamid ah waxgaradkii soo dhisey baarlamaanka Jubbaland.

Waxa uu sheegay taliyaha in raggan ay kamid yihiin rag Al-shabaab ugu xilsaaran ineey dilaan Odoyaasha dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Raggan aad arkeysaan oo qalabkaan watey waxaa la qabtay iyaga oo Bam ku tuurey mid kamid ah hoyga Nabadoonadii soo dhisey baarlamaanka Jubbaland, waxaan ku guuleysannay inaan soo qabanno dhagar qabayaashan, shacabka degmada B/xaawo waxaan u sheegeynaa iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si gacanta loogu dhigo dadka dhagar qabayaasha ee sidan oo kale, raggan waxay sheegeen iney kamid yihiin rag badan oo loo soo direy iney dilaan odoyaashii soo dhisay baarlamaanka Jubbaland” taliyaha ayaa sidaasi yiri.

Maamulka Jubbaland ayaa sidan oo kale dhowr jeer waxay usoo bandhigeen rag ay sheegeen iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtey howlgal ay ciidamada maamulkaasi sameeyeen.

Goobjoog News