U bood dhigaalka

C/raxmaan C/shakuur “Galmudug Loo Dhisayo Doorashada 2020-ka Ma Rabno”

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dhismaha Galmudug oo deegaanka ah bedalkii Galmudug loo dhisi lahaa doorashada 2020-ka.

Wuxuu tilmaamay C/raxmaan, in markii hore ee la dhisayey Galmudug loo dhisay doorashada 2016, lana ogaaday wixii dhacay.

“Howsha la qaban doono ma mid lagu dhisaayo Galmudugaa mise waamid doorashada 2020-ka loo habeeyo…Galmudug 2015-kii markii la dhisayey waxaa loo dhisay doorashada 2016-ka dadka dhan wey ogaayeen, marka annaga tii oo kale ma rabno, Galmudug loo dhisayo doorashada 2020-ka ma rabno, waxaan rabnaa Galmudug loo dhisayo deegaanka” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshaha lagu dhisayo Galmudug, iyadoo dhowaan magaalada Dhuusamareeb ka furmayo shirka dibu heshiisiinta Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News