U bood dhigaalka

C/raxmaan C/shakuur Oo Ka Hadlay Sababta Xisbiga Wadajir Aanu Uga Mid Ahayn Madasha Xisbiyada

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isaga oo ku sugan magaalada London waxa uu ka hadlay sababta uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waaye madasha xisbiyada.

Waxa uu sheegay in iyaga mar walba ay doonayeen oo kaliya sidii lagu gaari lahaa doorasho in la qabto, welina diyaar u yihiin in xisbiyada kale ay kala shaqeeyaan.

C/raxmaan ayaa tilmaamay in markii hore uusan qabin aragti ah in hoggaan ama guddoomiye loo sameeyo madasha xisbiyada maadaama ay kala aragti duwan yihiin xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka dhisan.

“Xisbiga ayaa go’aansaday in aan laga midnoqon xilligan, doodaha madallada la xiriirana dadku isku aragti kama ahan, laakiin Hal hadaf oo aan wadaleenahay waxa waaye in doorshada xilligeeda la qabto in laga wadashaqeeyo, maadaama madasha ay ahayd mid Hal xisbi aan la noqoneyn in laga wadashaqeeyo doorashada sidii ay ku dhici lahayd….annagu maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, kaliya xiriiriye la sameeyo, annaga ulajeedkeennu wuxuu ahaa sidii doorasho ku dhici lahayn, waxaana diyaar u nahay inaan la shaqeynno inta doorashada ay dhacayso” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur.

Xisbiga Wadajir ayaa kamid ah xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ka dhisan, waana xisbi siyaasadeed ay ku mideysan yihiin kumanaan qof oo Soomaaliyeed, ayna ku jiraan siyaasiyiin dalka aad looga yaqaan.

Goobjoog News