U bood dhigaalka

C/raxmaan C/shakuur: DFS Waxay Ku Fashilantay Iney Iga Joojiso….

Sheeko:Dalka

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay isku dayday iney ka baajiso khudbad uu u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia.

Wuxuu tilmaamay in Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaasi laga soo amray Villa Somalia, si loo joojiyo qudbaddiisa, taasi oo Booliiska u sheegtay inuu yahay dambiile, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook ayuu ku yiri:

“Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay dambiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana laga soo saaray, loona diiday dalal badan oo Islaam in uu hadal jeedin ka sameeyo”

“Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee danjire dal shisheeye diblomaasiyad ugu metalo. Waxaa mahadda leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii naflacaariga ahaa ee kooxda Vila Somalia uu fashilmo”

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi weli kama aanay hadal eeddaan uga timid hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Goobjoog News