U bood dhigaalka

C/raxmaan Cabdi Shakuur “Wadada Aad Ku Socotaan Waa Mid Horay Ka Xiran”

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku tumaneyso dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay go’aankii dowladda ee lagu horistaagay safarkii Kismaayo ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii maanta Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado”

“Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay”

C/raxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii wadada ay ku soctaan waa mid horay ka xiran”

“Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaa leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay hor istaagtay safar uu madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ku aadi lahaa magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose, halkaasi oo uu kaga qeybgali lahaa munaasabadda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.

Goobjoog News