U bood dhigaalka

C/weli Gaas “Midnimo Iyo Wadajir Baan u Baahannahay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ugu baaqay shacabka maamulkaasi in ay wadashaqeyn buuxda u muujiyaan madaxweynaha cusub ee Puntland.

Gaas ayaa sheegay inuu hubo in madaxweyne Dani yahay shaqsi wax bada ka qaban kara xaaladda Puntland, islamarkaana isbedal ballaaran keeni kara haddii fursaddiisa la siiyo.

Xilligan ayuu sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay iney muujiyaan wadajir iyo Midinimo.

“Puntland waa mid, waxaan u baahannahay midnimo iyo Wadajir, madaxweynaha cusub waan ku kalsoonahay, waana nin shaqadiisa kasoo bixi kara, shacabkana waxaa ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan” ayuu yiri Gaas.

Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa ballanqaaday in haddii madaxweynaha cusub uu uga baahdo talo iyo la shaqeyn uu xilli walbo diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa ku biiriyo.

Doorasho 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News