U bood dhigaalka

C/weli Gaas “Noo Soo Sheega Daacish Iyo Al-shabaab”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana soo sheegaan cid walbo oo xiriir la leh dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay Gaas in Al-shabaab iyo Daacish looga guuleysan karo shacabka oo la shaqeeya hay’adaha ammaanka, soona sheega cid walbo oo ay tuhmaan.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay Gaas in haddii la helo wada shaqeyn dhanka shacabka ah ay sahlanaaneyso in laga adkaado cid walbo oo amni xumu ka wadda Puntland.

“Daacish iyo Shabaab wey geysanayaan dhib, laakiin waxaa muhiim ah inaan loo dibcin cadowgaas xunka ah oo aan isaga filannahay, waxaan aaminsanahay dadkeenna haddii aan isku xirnaano shacab ahaan iyo xukuumad ahaan aan ka guuleysan karno, waxaa nalaga rabaa inaan iska celinno oo aan meel iska saarno, shacabka oo dowladda usoo waramaya ayaa lagu guuleysan karaan oo ay soo sheegaan wixii ay arkaan” ayuu yiri Gaas.

Al-shabaab iyo Daacisha ayaa weeraro ka dhex fuliya deegaannada Puntland, waxaana ay ku sugan yihiin dhulalka buuraleyda ah ee maamulkaasi.

Goobjoog News