U bood dhigaalka

C/weli Gaas Oo Sheegay In Aanu Sameyn Doonin Muddo Kororsi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warar maalmahan dambe la isla dhexmarayey, kuwaasi oo ahaa in uu sameyn doono muddo kororsi, maadaama ay u hartay haatan 10 bil oo kaliya.

Gaas ayaa sheegay in warkaasi uu yahay been abuur, islamarkaana sharciga Puntland aanu qabinba in doorashada waqtigeeda la dhaafiyo.

Waxa uu tilmaamay Gaas in xilliga loogu talogalay doorashada ay dhici doono, una dhici doonto qaab ka wanaagsan sidii hore, wallow aanu qaabkaasi faah faahin.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo wararka suuqa la isla dhexmarayo oo ah in madaxweynaha uu waqtiga isaga ku darsanayo, waxaasina waxbo kama jiraan, wax ka dhici karana ma ahan, doorashada waqtigeeda ayeey ku dhaceysaa” ayuu yiri Gaas.

8 January 2019 ayaa la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Goobjoog News